'Golaha Ammmaanka oo cusboonaysiiyay Cunaqabateynta hubka Soomaaliya.

Monday November 20, 2023 - 18:07:27
Idriis Ali
Kadib fadhi ay magaalada New York ku yeesheen waxa loogu yeero Golaha ammaanka Q.Midoobay ayay ku cusboonaysiiyeen cunaqabateyntii hubka ee saarneed Soomaaliya.
Golaha ayaa sheegay in ay waqti dheeraad ah ku dareen xayiraadda hubka islamarkaana ay awood hor leh siiyeen khubarada la socodka cunaqabateymaha hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo sanaddii 1992-dii.

Tallaabadan ay qaadday Q,Midoobay ayaa dhabar jab ku ah dadaalladii ay dowladda Federaalka ugu jirtay in xayiraadaha hubka laga qaado dalka Soomaaliya.

Related Items

Update cookies preferences