Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa sare uqaaday weerarada hubaysan ee ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya gobolka Lamu ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig ay ciidamada difaaca Kenya ee KDF loo yaqaan ku leeyihiin deegaanka Ba'uuri oo katirsan gobolka Lamu.
War kooban oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan balse tafaasiil dheeraad ah kama bixin khasaaraha ka dhashay weerarka.