Boqolaal qoys ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan xaafado katirsan magaalada Garowe ee gobolka Nugaal kadib markii ay billaawdeen xiisado colaadeed.
Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ku dhowaad 70 gaari oo ay la socdaan ciidamo daacad u ah Saciid Deni ay magaalada kasoo galeen dhanka Boosaaso kadibna ay kooxaha mucaaradku heegan geliyeen ciidamadooda.
Dhiillada colaadeed ee labada dhinac ka dhax qaraxday ayaa sababtay iyo qoysas farabadan ay magaalada isaga qaxaan sababa laxiriira cabsida laga qabo dagaal laayaan ah oo dhinacyada dhaxmara.