Guddiga Maareynta Fatahaadaha iyo Roobabka Al Shabaab oo Gargaar ka qeybiyay duleedka degmada Saakoow.

Monday November 20, 2023 - 11:58:40
Idriis Ali
Guddiga Maareynta fatahaadaha iyo Daadadka ee Xarakada Al-Shabaab oo tuulooyin hoos taga saakow deeq ka qeybiyay gargaar nuucyo kala duwan leh.
Dad ku nool tuulooyin hoos taga degmada Saakow oo ay siyaabo kala duwan u saameeyeen roobabka iyo daadadka ayaa gurmad ka helay guddiga Maareynta fatahaadaha Xarakada Al-Shabaab.

Tuulooyinka gargaarka laga qeybiyay ayaa kala ah, Kulmis, Buulo Nuurow, Qataa Qori, Kurusoow iyo Qaxaroow.

Deeqda oo isugu jirta Raashin, Daawo, maro kaneeco iyo bacaha aqalada lagu dado.

Qoysaska wax la siiyay waxay gaarayaan sida ay xaqiijiyeen guddiga 135 qoys, qoys walbana waxaa la siiyay Sonkor, Bariis, Saliid, Baco, maro kaneecooyin iyo daawo.

Degmada Saakoow ayaa kamid ah degmooyinka uu saameynta daran ku yeesheen fatahaadaha webiga Jubba iyo roobabka Daadadka wata.

Related Items

Update cookies preferences