Maleeshiyaadka Faano oo deegaan cusub kala wareegay ciidamada Itoobiya iyo warar kale.

Sunday November 19, 2023 - 19:05:16
Idriis Ali
Wadanka Itoobiya waxaa weli kasii socda dagaallada laayaanka ah ee udhexeeya xukuumadda Xabashida iyo maleeshiyaadka mucaaradka ah.
Wararka ka imaanaya ismaamulka Amhara ayaa sheegaya in dagaal saacado badan qaatay kadib ay maleeshiyaadko lawareegeen gacan ku heynta degmada Wereta ee gobolka Gondar.

Ciidamada Federaaliga Itoobiya ayaa la sheegay in ay dib uga gurteen magaalada kadib dagaallo saacado badan qaatay.

Dhinaca kale warar soo baxay ayaa sheegaya in xukuumadda Abiy Axmed ay Turkiga lagashay heshiis ay kusoo iibsanayso diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaan.

Mas'uuliyiin Itoobiyaan ah oo booqday dalka Turkiga ayaa shirkadda difaaca Turkiga ugudbiyay dalabkooda ah in laga iibiyo diyaaradaha kala ah Akinci iyo TB2.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay xiisado colaadeed ka dhaxjiraan Ereteriya iyo Itoobiya islamarkaana ay hay'adaha xuquuqul insaanku ay xukuumadda Addis Ababa ku eedeeyeen in diyaarado Drones ah ku xasuuqday gobolka Amhara.

Related Items

Update cookies preferences