Maamulka Qubuuraha Yuhuudda: Saacad kasta waxaanu aasnaa qof.

Sunday November 19, 2023 - 18:47:03
Idriis Ali
Maamulaha Xabaalaha Yuhuudda David Aron waxa uu kashifey in labadii maalmood ee u dambeeyay ay duugeen 50 askari oo Yuhuud ah isla markaana saacad kasta ama saacad iyo bar kasta ay xabaalaan/duugaan hal qof.
Muuqaal ka soo baxey Wasaaradda Amniga Israel maalintii shaley ee Sabtidii ayaa lagu sheegay in qubuurahaasi ay martigelinayaan dad aad u badan.
"Waxaanu ku sugannahay xaalad adag, saacad kasta ama saacad iyo bar kasta waxa la keenayaa meyd. Waxa la iiga baahan yahay in aan qodo xabaalo badan, keliya qubuuraha Jabal Hartasal waxaanu ku aasney 50 askari 48-kii saac ee la soo dhaafey” ayuu yiri David oo ah maamulaha qubuuraha Yuhuudda.

Dhanka kale waxa ciidanka Sahaayinadu iclaamiyeen shaley Sabtidii in laga diley 6 askari halka 7 kalena laga dhaawacay. Dhanka garabka dagaal ee Xamaas Cizuddiin Qasaam waxay ay ka sheegeen in ay dileen askar badan oo katirsan Yuhuudda isla markaana ay burburiyeen 17 kamid ah gaadiidka dagaalka Yuhuudda.

Israel waxa ay sheegtay in ay la kulmayaan iskacaabbin daran. Tirada saraakiisha Yuhuudda ee Qasa ku dhintey tan iyo intii ay dagaalka lugta ah ku qaadeen Marinka 27 October waxay ku sheegeen 58 askari. Tirada guud ee weerarkii Duufaanta Al Aqsa kala tegtay ciidanka Israel ayaa ilaa hadda la sheegayaa in ay yihiin 375 inta la og yahay.

Related Items

Update cookies preferences