Dowladda Federaalka oo safiirkeedii u horreeyay u magacowdey Eritrea.

Sunday November 19, 2023 - 12:14:21
Idriis Ali
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed u magacowday Eritrea 17-kii bishan aynu ku jirno.
Safiirka Somalia u fariisan doona Eritrea Cumar Idiris waxa uu noqonayaa Ambassador-kii koowaad ee abid Soomaaliya u igmato Eritrea.

Qoraal uu bartiisa X oo hore loo oran jirey Twitter uu soo dhigey safiirka cusubi ayaa uu ku sheegay in 17/11/2023 uu Madaxweyne Afwerki ka aqbaley waraaqihiisa safiirnimo.

Eritrea ayaa madaxbannaanideeda ka qaadatey Itoobiya 24 May, 1991 xilligaas oo aan haba yaraatee Somalia wax diwlad ahi ka jirin. Dhanka kale dowladihii kala dambeeyay ee Soomaalida soo maamuley waxa siyaasaddooda gacan weyn ku lahaa Itoobiya taas oo keentay in Somalia iyo Eritrea aad u kala fogaadaan.

Markii isbeddelku ka dhacey Itoobiya ee xukunka laga tuurey kooxdii TPLF ee dalkaas maamuleysay waxa la yagleelay siyaasadda isdhexgalka Geeska Africa. Waxaana cunaqabateyntii laga qaadey Eritrea taas oo uu sabab u ahaa Abiy Axmed.

Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaan lahayn wax qorshe ah oo degsan isla markaana waxa ay la jaanqaaddaa hadba wixii cusub ee loo yeeriyo.

Related Items

Update cookies preferences