Wararka ka imaanaya Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in markale weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha ATMIS.
Dagaalyahanno aad uhubaysan ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhig ay ciidamada shisheeyaha ATMIS ku leeyihiin gudaha degmada Buula Mareer ee Sh/hoose.
Goob joogayaal ayaa sheegay in dagaal culus uu ka dhacay gudaha magaalada waxaana lamaqlayay daryanka madaafiic iyo dhawaqa rasas culus oo lays dhaafsanayay.
Bishii May ee lasoo dhaafay ayuu Buula Mareer ka dhacay dagaal lagu dilay inkabadan 200 oo askari Yugaandheys ah.