Xamse Cabdi Barre oo ka mid ah qabbaannada gumeysiga casrigan ee Maraykanka ayaa mar uu ka hadlayay madal lagu tilmaamay "Siyaarada Sh. Cabdulqaadir Jiilaani" ka jeediyay hadal 34:00+ soconayay oo ka koobnaa dhammaan noocyada laaxinkii ay dhasha gumeysigu caanka ku ahayd. Inkasta oo uu hadalkiisu wada deelqaaf ahaa, haddana, waxaa ugu darnayd qayb uu kusoo hadalqaaday qadiyadda Falastiin iyo dhibaatada reer Qaza.
Marka la qaddariyo hadalka Xamse ee sidooda lagu qaato kalmadaha ay xamaasaddu ka muuqatay ee daahirkoodu taageerada ree Qaza, nacaybka Yuhuudda, iyo iimaan-ku-qabka mabaadii’da Islaamnimo tilmaamayay, waxa uu ninkani si ka fiican qaabkii gunnimada lahaa ee ay madaxda dabadhilifka ah ee Caalamka Islaamku uga hadli jireen uga hadlay qadiyadda Falastiin. Waxa uu, marka dhankaa laga eego, la yimid wax ay ka caajiseen madaxda dawlado ka awood iyo saamayn badan nidaamka fadhiidka ah ee uu qaybta ka yahay.
Laakiin, maadaama ay xaqiiqadu ka shishayso, ka miisaan culustahay, kana fogtahay sheegashada, maqaamka iyo manaabirta ay kooxdani kasoo buuqdo, waxaa hadalka ninkan ee qadiyadda Falastiin ku saabsan kasoo laabanaya dhawr su’aalood oo ay lagama maarmaan tahay in maanka qofka aan isdoqomaynayni uu durbadiiba lasoo boodayo.
1. Xamse C. Barre wuxuu sheegay, asaga oo run ka sheegaya, in Yuhuudda Qaza dukhaynaysaa ay ku sifaysantahay dhammaan sifaadkii xumaa ee uu Qur’aanku siiyay, ay la timid afcaashii xumayd ee lagu yaqaanay, ayna dhab ahaan yihiin "Awlaaddii daanyeerrada iyo doofaarrada”. Haddii ay arrintani dhab tahay, uuna ogaal noocan ah u leeyahay, muxuu yahay xiriirka ka dhexeeya Yuhuudda iyo ‘dawladda’ uu Raiisukwasaareha ka yahay? Maxay ka dhigantahay in uu Xamse ku yimid magacaabista nin intaasoo jeer ay saxaafadda caalamku qortay in uu kulamo toos ah la yeeshay nidaamka yuhuudda kulana heshiiyay in uu ka mid noqdo dawladaha kaboqaabka u ah? Si kale haddii loo dhigo, Xamse soo Raysalwasaare uma aha nin Yuhuudda noocan ah heshiis, saaxiib iyo kaboqaadba la/u ah?
2. Xamse waxa uu sheegay in quwadihii gaalada caalamka iyo reer Galbeedku ay si cad gadaal uga taaganyihiin Yuhuudda ayna taageero nooc kasta ah siinayaan. Waxaa isweydiin leh, raysalwasaarehu ma ogyahay in isla quwadaha iyo dawladaha Maraykanku ugu horreeyo ee taageerada nooc kasta ah yuhuudda la garab taagani ay yihiin isla dawladaha nidaamka uu madaxda ka yahay siiya taageerada ugu badan lagasoo bilaabo mushaarka asagan hadlaya, dirayska ciidankiisa kala duwan, kharashka hubka lagu waardiyeeyo xafiiskiisa, saanadda ciidan noocyadeeda kala duwan ee loo adeegsado dagaalka ay dawladdiisu ku jirto?
3. Rayswasaarehu ma ogyahay in sida ay yuhuudda ugu daabusho madaafiicda culus ee Qaza lagu dukhaynayo ay isla dawladdan Maraykanku dawladdiisana ugusoo daabusho madaafiicda beeralayda Shabeellooyinka, Jubbooyinka iyo Mudug lagu baabiiyo sannadaha badan? Raysalwasaarehu ma ogyahay in taliyaha bixinaya amarka ah in 2000 oo askar Maraykan ah la geeyo jiidda Qaza uu yahay isla ninka bixinaya amarka tirada ciidanka Ballidoogle joogta?
4. Markase xaqiiqadan la eego, ma isaga, madaxweynehiisa iyo dawladdiisa ayaa ah koox la mid ah, ay isku ujeeddo yihiin, hal meelna kala shidaal qaata nidaamka Yuhuudda mise Alshabaabka uu Yuhuudda ku sheegay ee asaga, Maraykan, Yuhuud, iyo dhammaan nidaamyada shisheeye kalkaalka ahba dagaalka kula jirta?.
5. Falastiin, sida la wada ogyahayba, waxaa ka jira nidaam caalamku aqoonsanyahay oo Maxamuud Cabbaas madaxweyne ka yahay kana qayb ah goleyaasha gaalada caalamka sida UNta. Haddii ay sida uu sheegay Xamaas Mujaahidiin xornimodoon ah tahay, muxuu ka aaminsanyahay nidaamka Maxamuud Cabbaas? Muxuu yahay farqiga u dhexeeya dawladda uu raysalwasaareha ka yahay iyo nidaamka Maxamuud Cabbaas?
Gunaanad: si uusan qoraalku usii dheeraanin, hadalka Xamse uu jeediyay maanta waxaa jawaab u ah meeris ku jiray gabay uu Sayidku ku dukhaynayay mid ka mid ah gaalaraacyadii dagaalka kula jiray oo marka taariikhda iyo taaganta la iswaafajiyo ay isleeyihiin kooxda uu Xamse ka tirsanyahay. Sayidku wuxuu si garnaqsi ku jiro u lahaa qarni ka hor: "Nasab haddaad tihiin, gaaladaad nici lahaydeen”.
FG: Fikirka maqaalka wuxuu u gaar yahay qoraaga Maxamuud Ugaas loomana tiirin karo warbaahinta Al-furqaan.