10 arrimood oo aan ka ogaaday Filimkii Al Kataib Ee Black Hawk Dawn.[Warbixin].

Tuesday October 31, 2023 - 09:56:55
Liibaan Jeexoow
Filimkii Dukuminteriga ahaa ee Alkataa'ib ay kasoo saartay 30 sano kadib dagaalkii1993-dii Mareykanka lagula galay magaalada Muqdisho ayaa jawaab celinno laga bixiyay.
Baraha bulshada waa qabsaday qoraallo iyo warcelinno kala duwan oo laga bixiyay filimkii lagasoo saaray dagaalkii Mareykanka looga adkaaday ee Muqdisho ka dhacay billaawgii sagaashameeyadii, Muudey Macoow oo kamid ah qorayaasha ayaa qoraalkan hoose ku cabiraya aragtidiisa.

1- In sababta ay u yimaadeen ciidamada Maraykanka ay ahayd duullaan saliibi ah ee aysan ahayn inay Soomaalida caawiyaan ( iyaga afkooda ka qirtay)
2- In Muqdisho tahay magaaladii ugu horeeyay caalamka ee wadooyinkeeda lagu jiiday maydadka ciidamada Maraykanka.

3- In dagaalkii dhacay 3 Oktobar 1993 uu noqday boog & waji-gabax aan ka go’eynin ciidamada Maraykanka.

4- In dagaalkii ku qabsaday Muqdisho uu noqday wax lagu cabsiiyo ciidamada Maraykanka iyo guud ahaan ciidamada reer galbeedka ( Maalin dhaweed Yuhuuda ayaaba lagu cabsiinayay iyadoo looga digayo inay Gaza weeraraan. Wixii Muqdisho Maraykan ku qabsaday ayaa idin sugaya camal).

5- In cuqdada iyo ciilka uu Maraykanku u qaaday Soomaalida aysan ahayn wax uu sahal ku illoobi doono.

6- In raggii sida gaarka ah Maraykanka ula dagaalamay ay ahaayeen wadaadada Soomaaliyeed oo garab ka helaya Muslimiinta caalamiga ah, gaar ahaan Al Qaacida.

7- In Caalimkii weynaa ee Shariif C/Nuur – Allaha u naxariistee – uu ahaa Sheekhii fatwooday in Maraykanka lala dagaalamo.
8- In wadaadadii ugu badan ee dagaalkaas ka qayb galay ay noqdeen aas-aasayaashii AS.

9- In Sheekh Mahad Karate uu yahay masuulka ugu weyn AS ee ay Maraykanku dadaal walba ku bixin doonaan inay khaarijiyaan maadaada raggii dagaalkaas hogaaminayay uu isagu ka joogo ( Kuwo la qariyay oo aanan filimka lagu soo darin inay jiraan waa laga yaabaa illeen AS wax qariska waa ku dheereysaaye)

10- In hadii dadka Soomaaliyeed ay hoggaan wanaagsan helaan aduunka awood maquunin karta aysan jirin.

تلك عشرة كاملة

W/Q Muudeey Macoow

FG: Aragtida waxay ugaar tahay qoraaga ee looma tiirin karo SOMALIMEMO

Related Items

Update cookies preferences