Waxaan daawaday khudbo uu Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan u jeediyay xubnaha ka tirsan baarlamaanka wadankiisa halkaas oo uu kaga hadlay xasuuqa ay Yuhuudu ka wado Falastiin.
Erdogan qodobada uu ka hadlay waxaa ugu muhiimsanaa inuu cambaareeyay xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin, in beesha caalamku ay indha ka laabanayso gumaadka ay Yuhuudu u gaysanayso shacabka Gaza iyo in uu baajinayo booqasho uu ku tegi lahaa caasimada Yuhuuda ee Tel Aviv si uu ula soo kulmo madaxda Yuhuuda ulana soo saxiixdo hishiisyo dhanka Tamarta, Tiknoolajiyada iyo amniga internetka ( cybersecurity).
Markii uu billawday xasuuqa cusub ee ay Yuhuudu ku haysto shacabka Muslimka ah ee Falastiin, xilli maanta laga joogo 19 maalmood kahor, dhammaan madaxdii wadamada reer galbeedka ahaa waxay kusoo yaaceen Tel Aviv si ay taageero ugu muujiyaan Yuhuuda. Waxay soo direen diyaarado iyo maraakiib dagaal oo ay ku raranyihiin hub aad u culus oo ah midka saacadaan aan hadlayono lahu xasuuqayo dadka shacabka Muslimiinta ah ee Gaza.
Dhinaca kale, dhamaan madaxda wadamada Islaamka ah ka taliya, uuna kamid yahay madaxweynaha Turkiga Rjab Dayib Erdogan, iska dhaaf inay hub iyo dhaqaale siiyaan ragga la halgamaya Yuhuudee, waxay awoodi waayeen inay hal liitar oo biyo ah, ama hal cirbad oo dhiig joojin ah ama hal kiilo oo raashin ah gaarsiiyaan shacabka la iskugu daray cunaqabataynta iyo xasuuqa.
Laba wajiile Erdogan.
Marka laga hadlayo madaxda wadamada caalamka Islaamka, waxaa jira qaar badan oo aysan shucuubta Muslimiintu wax rajo ah ka lahayn maadaama la wada ogyahay inay yihiin dabadhilifyo arxanlaawayaal ah kuwaas oo ka cadawsan Yuhuuda. Madaxdaas waxaa kamid ah Cabdi Fitaax Al Sisii ga Masar, Maxamad Ben Zayidka Imaaraatka, Caballaha Urdun, iw. Madaxdaas waxaa laga wada dheregsanyahay inaysan Natanyahuuga Yuhuuda waxba ka roonayn, cadawna ku yihiin Islaamka iyo Muslimiinta. Balse ninka dadka Muslimiinta ah badankood ay ku siranyihiin waa madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan. Waa nin inta badan ka hadla dhibaatada Falastiin, mararka qaarkood dhaleeceeya reer galbeedka, khudbado xamaasad lehna jeediya marka Kitaabka Qur’aanka lagu gubo mid kamid ah wadamada Yurub. Balse intaas ma ku filantahay gurmadka iyo gargaarka ay u baahanyihiin shacaka Falastiin ee ay Yuhuudu xasuuqayso? Jawaabtu waa MAYA.
Turkigu waa mid kamid ah wadamada ku midoobay isbahaysiga NATO ee ay reer galbeedku samaysteen. Waa waddan leh awood ciidan oo aad u weyn. Wuxuu leeyahay ciidamo milatari ah oo aad u xoog badan, waana wadanka labaad ee ugu ciidamada badan isbahaysiga NATO oo waxaa ka ciidamo badan wadanka Maraykanka oo kaliya. Maxaa diiday inuu Ergodan awoodda ciidan ee uu wadankiisu leeyahay u isticmaalo joojinta xasuuqa lagu hayo shacabka Muslimiinta ah ee Falastiin ama ugu yaraan uu taageero siiyo dagaalyahanada Falastiin ee la halgamaya Yuhuuda?! Islaamnimadu miyaysan na faraynin in walaalkaa Muslimka ah aad u hiiliso hadii uu cadaw ka awood badan ku soo duule, iskaba dhaaf hadii uu gumaadayee?!!!
Erdogan iyo kaalintiisa colaadaha caalamka.
Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa inay is yiraahdaan Turkigu awood ciidan kagama qayb qaato colaadaha dunida ka socota, sidaas darted ayuu uga baaqsaday inuu awood ciidan ku difaaco Muslimiinta la xasuuqayo ee Falastiin. Hadaba dadkaas waxaan leeyahay xaalku sidaas ma aha.
Madaxweyne Erdogan wuxuu awood ciidan u adeegsaday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Nagorno-Karabakh ee ay isku haysteen wadamada Armeeniya iyo Azarbijaan, wuxuu ciidamo, taangiyo iyo diyaaradaha wax duqeeya ku taageeray Azarbijaan ilaa ay ka adkaadeen ciidamadii Armeeniya, gobolkiina ka xoreeyseen. Sidoo kale Turkigu wuxuu awood ciidan u adeegsaday wadanka Liibiya halkaas oo uu taageero milatari iyo diyaarado wax duqeeya ku taageeray dawlada Liibiya oo la dagaalamaysay hogaamiye kooxeedka ay taageeraan wadamada Ruushka, Masar iyo Imaaraatka ee lagu magacaabo Khaliifa Xaftar. Turkigu wuxuu awood ciidan u adeegsaday dagaalka Suuriya isagoo ciidamo, taangiyo iyo diyaarado soo geliyay gudaha Suuriya si uu ula dagaalamo maamulka Ruushku taageero ee Bashaar Al Asad. Turkigu wuxuu awood ciidan u adeegsaday Soomaaliya isagoo hub iyo diyaarado wax duqeeya ku taageeray dawlada Xassan Gurguurte oo dagaal kula jirta Xarakada Al-Shabaab.
Madaxweyne Erdogan wuxuu diyaarado dagaal ku taageeray dawlada Itoobiya oo dabayaaqadii sanadkii 2020 dagaal la gashay ururkii ku fallaagoobay ee Tigree, waxayna diyaarada Droneska Turkigu garaaceen ciidamadii TPLF ilaa ay ku qasbeen inay hubka dhigaan, lana hishiiyaan maamulka Abiy Axmad. Ugu dambayn, Madaxweyne Erdogan wuxuu hub iyo diyaarado ku taageeray dawlada Yukrayn oo dagaal ay reer galbeedku ku taageerayaan la gashay dawlada Ruushka, waxayna diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar TB2 kaalin weyn ka qaateen in la hakiyo duullaankii Ruushka ee kusoo siqayay caasimada Kyiv. Intaas oo dhan waxaa ka darnaa in ciidamada Turkigu qayb ka ahaayeen isbahaysigii NATO ee ku duulay wadanka Afghaanistaan.
Hadaba, Maxaa qiil ah oo loo samayn karaa in Madaxweyne Erdogan uu taageero milatari siiyo Azarbijaan, Liibiya, mucaadarka Suuriya, dawlada Itoobiya iyo maamulka Xassan Gurguurte, balse taageero kuwaas lamid ah u siin waayo Muslimiinta Falastiin ee ay Yuhuudu xasuuqa wuxuushnimada ah u gaysanayso? Maxaa qiil ah oo loo helayaa in ciidamada Turkiga ee uu madaxweynaha u yahay Erdogan ay ku duulaan wadanka Afghaanistaan iyagoo ka jawaabaya weerarkii 9/11 ee lagu qaaday daarihii mataanaha ahaa ee Maraykanka, balse ay ugu gurmad waayeen Muslimiinta Falastiin ee gumaadku ku socdo? Hadii xeerka u yaalla wadamada NATO uu qorayo in hadii mid kamid ah wadamada ku midoobay isbahaysiga lasoo weeraro ay dhamaan wadamadu usoo gurmadaan, sidaas daraadeedna ay ciidamada Turkigu Afghanistaan ugu duuleen, aaway xeerkii Islaamka iyo aayadihii Qur’aanka ee waajibka ka dhigayay in hadii dad Muslimiin ah ay gurmad soo dalbadaan Muslimiinta kale ay waajib ku tahay inay u gurmadaan? Sow wax cad ma ahan in xeerarka NATO ay Erdogan kala weynyihiin nusuusta Qur’aanka ee Ilaahay soo dejiayay? Sidaas Islaam ma ku ahaanayaa odaygu?
Maxaa marmarsiiyo ah oo loo heli karaa in Erdogan uu u soo hiiliyo Abiy Axmad oo la dagaalamaya TPLF balse uu u hiillin waayo Muslimiinta Falastiin oo Yuhuud ay ilmahoodii iyo dumarkoodii gumaadayso? Madaxweyne Erdogan markii uu la hadlayay xubnaha baarlamaanka wadankiisa wuxuu u sheegay in ururka XAMAAS uusan u aqoonsanayn inay yihiin urur argagixiso sida ay reer galbeedka iyo Maraykanku sheegaan. Hadaba maxaa diiday inuu hub iyo tababar siiyo si ay Yuhuuda iskaga difaacaan? Gaaladu way isku hiillisaa oo Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Faransiiska, Ra’iisul wasaarayaasha Ingiriiska, Jarmalka iyo Talyaanigu waa kuwii Tel Aviv kasoo degay kuna dhawaaqay taageero milatari, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ay la garab taaganyihiin Yuhuudee, maxaa diiday in Erdogan u hiiliyo Muslimiinta Falastiin? Waa maxay Islaamnimada uu sheeganayo ninka madaxweynaha ah ee haysta hal milyan oo ciidamo ah iyo hub noocii ugu dambeeyay, balse aanan hal tallaabo u qaadin inuu dadkaas shacabka Muslimiinta ah ka celiyo Yuhuuda wuxuushta ah ee dunida oo dhan ay daawanayso gumaadka ay Gaza ka gaysanayso oo xilliga aan maqaalkaan qorayo dhimashadoodu ay marayso 7,500 oo caruur iyo dumar u badan, dhaawucuna 20,000 ka badanyahay? Adeeroow sow munaafaqnimo ma ahan inaad Abiy Axmad oo kirishtaan ah diyaarado ku taageerto balse Muslimiinta Gaza aad khudbado kaliya ku taageerto? Bal adiga maqaalkaan akhirisanayow su'aalahaas is waydii, hana isku qancin jawaab aadan ku qanci lahayn hadii aad ahaan lahayd qofka Falastiiniga ah ee la kulmaya halaaga Yuhuudu ka wado Gaza, ee aanan haysan biyo uu cabo, cunta uu cuno, wax uu isku daaweeyo, saraariikhda Yuhuuduna ay 24 saac dushiisa ku hoobanayso.
W/Q. Mudey Macow.