Saraakiil ciidan oo si yaab leh loogu dilay xaafado Muqdisho ka tirsan.

Saturday September 23, 2023 - 20:17:26
Liibaan Jeexoow
Amniyaatka Xarakada Al Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ka fuliyay weeraro hubaysan oo lagu dilay saraakiil sarsare oo katirsanaa ciidanka dowladda.

Weerar ka dhacay degmada C/Caziiz ee bariga magaalada Muqdisho ayaa sababay dhimashada Maxamed Maxamuud Yalaxow oo ahaa sarkaal Gaashaanlle ah.

Dhinaca kale xoogag hubaysan ayaa degmada Dayniile ku dilay sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Xasan kaasi oo ahaa Isbatoore katirsanaa ciidamadii lagusoo tababaray dalka Eereteriya.

Related Items

Update cookies preferences