Taliyaha ciidanka Danab ee Jubbooyinka oo isku day dil ka badbaaday.

Saturday September 23, 2023 - 20:13:53
Liibaan Jeexoow
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Kismaayo waxaa si dirqi ah weerar uga badbaaday sarkaalka ugu sarreeya maleeshiyaadka uu Mareykanku tababaray ee dhanka maamulka 'Jubbaland'.

Wararka ka imaanaya Jubbada hoose ayaa sheegaya in qarax lagu weeraray goob uu magaalada Kismaayo uga sugnaa ninka lagu magacaabo Carab Dhegeey oo ah taliyaha Bangaraafta ee 'Jubbaland.

Warar lagu kalsoonaan karo waxay sheegeen in taliye Carab dhegeey uu si dirqi ah ku badbaaday balse waxaa qaraxa ku dhaawacmay 2 askari oo katirsanaa ilaaladiisa khaaska ah.

Related Items

Update cookies preferences