Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar cusub oo jihaadi ah uu ka dhacay deegaan katirsan gobolka Lamu.
Xoogag aad u hubaysan ayaa qaraxyo ku beegsaday saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin deegaanka Shangaani ee Lamu.
Sida ay wararku sheegayaan waxaa qaraxa ku dhaawacmay 3 askari Kenyaan iyadoona uu dab qabsaday bakhaarkii ciidanku ay ku lahaayeen gudaha saldhigga laweeraray.
Dhinaca kale weerar xooggan ayaa lagu qaaday bar koontarool oo maleeshiyaadka DF-ka ay ku lahaayaan xaafada Baraxoow ee magaalada Baardheere.