Kadib 50 maalmood oo uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ayuu socdaal qarsoodi ah ugu amba baxay dalka Jabuuti kaasi waa Xasan sheikh Maxamuud madaxweynaha dowladda Federaalka.
ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in Xasan Gurguurte uu diyaarad khaas ah ka raacay xarunta gobolka Galguduud wuxuuna hadda ku sugan yahay caasimadda dalka Jabuuti.
Socdaalka Xasan Sheekh ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo sidii uu Ismaaciil Cumar Geelle uga dhaadhicin lahaa in lahakiyo bixitaanka ciidamada shisheeyaha ATMIS.
Xasan Gurguurte ayaa ka walaacsan qorshaha ay fulintiisu bilaabatay ee dalka looga saarayo 3,000 oo katirsan soo duulayaasha Afrikaanta ATMIS.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in madaxweynaha DF-ka uu Ismaaciil Cumar Geelle ku cataabay islamarkaana uu ka dalbaday in magaalada Dhuusamareeb ay baaqi kusii ahaadaan 1000 askari Jabuutiyaan ah.
Horraantii bishaan ayay Villa Somalia taliska ATMIS ka codsatay in ay dib udhigaan ciidamo laga saari lahaa xarunta madaxtooyada iyo xarunta baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.
Tani ayaa banaanka soo dhigaysa taag darrida maleeshiyaadka DF-ka kuwaas oo 16-kii sano ee lasoo dhaafay tababarkooda iyo qalabeyntooda lagu bixinayay lacago malaayiin dollar ah, Xuseen Macallin oo ah lataliyaha Xasan Sheekh ee dhanka amniga ayaa warqad uu uqoray ‘Golaha ammaanka’ Q.Midoobay ku sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay codanayso in bixitaanka ciidamada dib loo dhigo muddo sedax bilood ah.
Warqaddan oo nuqul kamid ah ay heleen wakaaladaha wararka ayay DF-ka ku qiraysay in lagu jebiyay dagaallada ka socda bartmaha dalka Soomaaliya, lataliyaha Xasan Sheekh ayaa si cad uqiraya in dagaalkii Cowsweyne uu sababay in ciidamada dowladda Federaalka ay kala firxadaan ayna adagtahay soo kabsasho dhow.