Diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn oo ay leedahay dawladda Mareykanka ayaa maanta duqeyn lagu dilay dumar iyo caruur ka geystay duleedka deegaanka Buurdhuxunle oo ka tirsan gobolka Bakool ee koofur galbeed Soomaaliya.
Sida la xaqiijiyay illaa 8 ruux oo ka kooban lix caruur ah iyo laba dumar ayaa ku nafwaayay weerarkaasi cirka ee ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, dadka ku dhaqan Buurdhuxunle iyo maamulkooda ayaana ku howlan aaska dadkii ku dhintay duqeynta.
Hadaba waxaan helnay magacyada 8 ruux ee ku geeriyootay duqeynta waxayna kala yihiin:
1- Xafso Sheekh Isxaaq Cabdullaahi. 7 sano jir.
2- Asmo Sheekh Isxaaq Cabdullaahi. 5 sano jir.
3.- Fatxi Sheekh Isxaaq Cabdullaahi. 4 sano jir.
4- Jawaahir Sheekh Isxaaq Cabdullaahi. 3 sano jir.
5- Wiilo isxaaq Axmed ( Ilmaha la duqeeyay hooyadood)
6- Zaynab Cabdi Cabdullaahi 14 sano jir.
7- Juweeriya C/llaahi. 4 sano jir.
8- Ayeeyo Faadumo Ibraahim ( Ayeeyada ilmaha). 70 jir.
Dawlada Mareykanka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay fulinayaan diyaaradaheeda, kuwaas oo dad shacab abriyo aan waxba galabsan ku dilay deegaano kala duwan oo ka tirsan gobolada dalka.