Illaa maalintii ay DF ee Soomaaliya billowday in ay si toos ah u kaashato cadowgii umadda Soomaaliyeed waxa bilaabmey kacdoon dadweyne oo ka dhan ah shisheeyaha iyo inta ku daaban.
Marxalado kala duwan oo uu soo marey kacdoonka shacabku waxa ay maanta taagan tahay gebagebadii.
Tijaabada Dowladda Federaalka ahi waddo oo ka soo bilaabantey Cabdullaahi Yuusuf; waxa la keenay Soomaaliya tiro lagu qiyaaso 50,000 oo Itoobiyaan ah.
Dabadeed markii ay xaaladdii Soomaaliya uga sii dareen waxa yimid Shariif oo isna keenay kumannaan kale oo Afrikaan ah.
Inkasta oo aanay xaaladdii Soomaaliya waxba iska beddelin haddana waxa marba madaxweynaha yimaaddaa xiranayey tuute ciidan balse dhanka kale marba marka ka dambeysa waxa sii kordhaysay rejada laga qabo Xarakada Alshabaab oo mar ka talin jirtey inta badan Soomaaliya si muuqata.
Marar dambe waxa ay Shabaabku Xamar uga talinayeen si aan toos ahayn iyaga oo saameyn badan iyo galaangal ku yeeshay dhaqan-dhaqaalaha bulshada.
Xagga garsoorkooda ayaana in badan noqday meesha keliya ee dadku ku kalsoon yihiin isla markaana looga yimaaddo illaa qurbaha.
Alshabaab waxa ay noqdeen awoodda sirdoon ee ugu sarreysa geeska Afrika. Warbixinaha ay aqoonyahannadu bixinayaan ayaana sheegaya in Afrika oo dhan hal waddan kaga horreeyo dhanka mukhaabaraatka, runtii taasi waxa ay noqotey guul weyn oo xarakadu sameysay.
Awoodda sirdoon waxa dad badani tibaaxaan in ay tahay meeshii ay ku jabeen Maxkamadihii Islaamku sannadkii 2006-2009.
Xasan Sheekh oo hore wareysi uu siiyey Telefishanka Al Jazeera ugu sheegay in 80% ay Shabaabku waddanka haysteen markii uu yimid talada dalka sannadkii 2022 ayaa bilaabey guluf colaadeed oo ka dhan ah xarakada.
Xasan waxa uu dagaalka lagula jiro Shabaabka u qorsheeyay laba weji.
Wejiga hore oo sida uu sheegay lagaga sifeynayo Galmudug iyo Hirshabelle. Wejiga labaadna waxa uu ka dhigay Koonfurgalbeed iyo Jubbaland.
Haddaba intii aanu face-ka hore ka gudbin waxa markiiba soo baxaya jabka lagala kulmey dagaalka.
Dawladda Federaalka ayaa qaadatey in habka loo galayo dagaalku ay ka duwanaato midkii hore ugu soo guuldarreysteen xukuumadihii hore.
Hiiraan ayuu ka amaamudey koox loogu yeeray Macawisley.
Kooxdii fagtii hore waxa ay isku dayeen in ay forumaha dagaalka ka sameeyaan horumar laakiin bilo ka dib iyagii bay dhexdooda ka bilaabantey waxaana soo kala dhexgaley kala shaki weyn maaddaama oo uu san gulufkoodu ujeeddo lahayn marka laga reebo lacago yaryar oo ballanqaad ah.
Murankii mooryaanta la baxdey Macawisley waxa uu soo gaarey in la isku qabsado isbaarooyin iyo qaabkii loo qaybsan lahaa hantida shacabka laga dhaco.
Cali Jeyte Cismaan oo ahaa ragga hormuudka ka ah kooxda Macawisleyda ayaa xilkii laga qaadey 16 June ee sannadkan isaga oo lagu beddelay nin lagu magacaabo Sufurow.
Xilka qaadistaasi waxa ay sababtey in si toos ah loo kala jaro Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
Cali Jeyte ayaa ku dhawaaqey maalmo ka dib Hiiraan State.
Xasan Sheekh oo mooraal xumo kala kulmey arrimahaas isla markaana xallin kari waayey dhibaatada qabyaaladeed ee ka dhex aloosan reer abtigii iyo beeshiisa ayaa dhawaan ka degay degmada Maxaas.
Waxa la sheegay in Xasan hore ugu soo fashilmey Dhuusamareeb haddana uu markale ku fashilmey degmada Maxaas iyo abaabulkii beesha abtiyaalladii ah.
Maxamed Cabdi Waare oo mar soo ahaa madaxweynaha Hirshabelle waxa uu wareysi uu bixiyey toddobaadkii ina dhaafey ku sheegay xogo tibaaxaya in Xasan kuwa la socdaa hagardaamo ugu filan yihiin.
Waare walaaca uu muujiyey waxa uu ku caddeeyay in wasiirka difaacu qorshayaal kale ka leeyahay ciidanka.
Waare waxa kale oo uu tibaaxey in beesha hoose ee madaxweyne Xasan Sheekh ay ku kalsoon yihiin wiilkooda Yuusuf Kaba kutukade halka aaney wax niyad ah u hayn Xasan Gurguurte.
Haddaba dadka siyaasadda faalleeyaa waxa ay sii oddorasayaan in Xasan Sheekh Maxamuud oo lacagihii badnaa laga furtey isla markaana dagaalka looga baxey uu ku noqon doono Villa Somalia.
Taasina waxa ay soo dedejinaysaa in reergalbeedku heshiis la galaan Xarakada Alshabaab sidii ay Daalibaan sameysay 2021, dalkuna uu sidaa ku macasalaameeyo sannado badan oo gumeysi ahaa.