Weerar 5 Askari lagu dilay oo ka dhacay deegaanka Bacaadweyne.

Thursday September 21, 2023 - 17:49:12
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaad culus oo ka dhacay deegaan katirsan Koonfurta gobolka Mudug.
Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo lagu qaaday maleeshiyaadka dowladda Federaalka uu sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Ugu yaraan 5 askari ayaa dhintay halka 2 kale ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii ay dagaalyahannada Al Shabaab weerar jidgal ah ka fuliyeen duleedka deegaanka Bacaadweyne.

Al Shabaab ayaa sare uqaadday weerarada ay ku beegsanayso ciidamada huwanta ah ee ku sugan Koonfurta Mudug tan iyo markii ay ciidamadaas gudaha ugaleen deegaanada Cammaara iyo Bacaadweyne.

Related Items

Update cookies preferences