Jabhaddii Gacan Libaax oo la soo afmeeray.

Thursday September 21, 2023 - 17:37:15
Liibaan Jeexoow
Odayaal dhaqameed ku hawlanaa sidii loo dhammeystiri lahaa malleeshiyo dhawaan ka dillaacdey duleedka magaalada Berbera ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa lagu guuleystay. Odayaasha ayaa muddo usbuucyo ah ku hawlanaa sidii buurta looga soo dejin lahaa malleeshiyadan.
Gawaari dhowr ah oo jabhaddu afduubatey ayaa dib loogu celiyey gacanta maamulka Somaliland. Cabashada jabhad beeleeddan ayaa la xiriirtey sida uu Muuse Biixi u qorsheeyay kala horreynta doorashooyinka laga qabanayo maamulkaas.

Toddobaadkan waxa odayaasha dhaqanka qaarkood kala direen xubnihii ugu muhiimsanaa ee malleeshiyada. Maantana waxa si rasmi ah loo wareejiyey baabuurtii maamulka laga dhacey sida ilo wareedyadu tibaaxayaan.

Maamulka Somaliland iyo Malleeshiyada ayaa dagaalkoodii ugu horreeyay dhacey 11 August ee bishii ina dhaaftey halkaas oo lagu laayey xubno kamida ciidanka Somaliland qaarna lagu dhaawacay. Dagaalka ka dib, Taliyaha Booliska SL ayaa ku dhawaaqey dagaal ka dhan ah jabhadda kaas oo lagu soo afjarayo kooxdan.

25 August, 2023 markii ciidanka Somaliland uu jabku ka soo gaarey magaalada Laascaanood waxa gebi ahaanba isbeddeshay xaaladdii siyaasadeed ee maamulka taas oo murankii doorashooyinka lagu soo afjarey in la isa saaro labada doorasho ee muranka dhaliyey.

Related Items

Update cookies preferences