Faysal Cali Waraabe oo kamid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn maamulka la baxey Somaliland ayaa hadal uu maanta jeediyey Xasan Sheekh ugu hambalyeeyay in uu direys xirtey isla markaana uu dagaal ku qaadey 'Argagixisada'.
Faysal waxa uu shir saxaafadeed uu maanta qabtey kaga hadley xaaladda Laascaanood isla markaana waxa uu ka dhaawajiyey in aaney suurtogal ahayn in laga tanaasulo xuduudda ‘Somaliland’.
Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha DF ee loo hambalyeeyay ayaa tamar u waayey in uu u babac dhigo ururka Alshabaabee raba in ay dalka kakiciyaan cadowga ATMIS iyo AFRICOM oo uu Xasan horgale u yahay.
"Waan hambalyeynayaa Xasan Sheekh in uu tuute xidhey dhex fadhiistey ciidamadii, waan hambalyeynayaa” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.
Isku soo wada duuboo xaaladda Soomaaliya ayaa sannadka soo socda yeelan doonta waji kale maaddaama oo uu dhammaadey xilligii loogu talogaley ciidamada ‘Nabad Ilaalilanta’ ATMIS.