Qaraxyo ciidamada shisheeye lagula beegsaday gobollada Bakool iyo Sh/hoose.

Wednesday September 20, 2023 - 17:19:16
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qarax ciidamada shisheeyaha ATMIS lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanka Danoow ee duleedka degmada Qoryooleey ayaa sheegaya in maanta duhurkii halkaas qarax lagula beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada ATMIS.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa uu ku burburay gaari nuuca gaashaaman ah waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar katirsan ATMIS.

Dhinaca kale weeraro culus oo isugu jiro qaraxyo iyo dhabagallo ayaa gobolka Bakool lagula beegsaday ciidamo Itoobiyaan ah.

Silsilado qaraxyo ah ayaa la sheegay in ciidamada Xabashida lagula beegsaday wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur.

Waa maalintii 5aad oo xiriir ah oo ay ciidamada Itoobiya weeraro ku wajahayaan dhul masaafadiisu yahay 90Km.

Related Items

Update cookies preferences