Soomaaliya oo lasaadaalinayo in ay lamid noqoto Afghanistan [Warbixin].

Wednesday September 20, 2023 - 17:45:11
Liibaan Jeexoow
Wargeys lagu magacaabo New Arab oo kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay "xilli ciidamada Shisheeye ay isaga baxayaan Soomaaliya, halkee ayey la egtahay cabsida laga qabo inuu wadanka u gacangalo Al-Shabaab.
Warbixintu ayuu wargeysku ugu horreyn ku falanqeynayaa jabkii xooganaa ee ciidanka dowlada Federaalka ku gaaray bariga wilaayada Galgaduud gaar ahaan weerarkii Coosweyne iyo firxadkii jabkaas xigay ee ciidanka dowladdy ay kagasoo baxeen difaacyadii ay ka joogeen Sh/dhexe iyo Galgaduud.

Wuxuu wargeyskan sheegay in jabkii Cowsweyne uu ahaa midkii ugu xumaa ee soo gaara DF tan iyo markii la aas-aasay nidaamkan taariikhdiisa inta la xasuusto islamarkaana uu caksi u bedelay guulihii laga filayey in laga gaaro taqadumkii ay dowladdu ka sameeyneysay deegaannada dhaca bartamaha Soomaaliya.

Wargeyskan oo soo xiganaya falanqeeyeyaal ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldareystay inay awood military uga adkaato Jihaaadiyiinta dhanka kalena ku fashilantay in deegaanadii ay qabsatay ay gaarsiiso adeegyada aas-aasiga ee dowladnimada.

Xarakada Al-Shabaab ayuu wargeysku sheegay in ay kasoo kabsatay weerardii lagu qaaday sanadkan, dhanka kalena ay dowlada Xasan Sheekh kaga horreyso bixinta adeegyada aas-aasiga ee dowladnimada.

Mar uu soo hadal qaaday bixitaanka ciidamada Afrikaant ee ATMIS iyo sida uu noqon doono mustaqbalka dalka ayuu sheegay in aysan jirin rajo ah in ay kooxda DF la wareegto amniga dalka Soomaaliya, haddii ay ciidamada shisheeye guuraana uu wadanku ku dhici doono gacanta Jihaadiyiinta.

"in ciidamada dowlada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan amniga dalkaan dhamaadka sanadka 2024-ka waa mid aad u adag, waxa aan hadda arkeyno waa cadaadis xooggan oo fiirsanaya uun jadwal cayiman kaas oo aan wax ku dhisaneyn xaqiiqada taalla fagaaraha” ayuu yiri Omar Maxamuud oo ka tirsan hay’adda ICG ee ka faaloota xasaradaha dunida.

Cabdi Nuur Cabdille oo isagana ah falanqeeye ka faallooda siyaasadda geeska Africa ayaa wargeyskan u sheegay in sida ka muuqata fagaaraha dagaalka ay Al-Shabaab la wareegi doonto wadanka durbaba marka ay baxaan ciidamada Afrikaanta.

"Haddii ATMIS ay isaga baxaan wadanka bisha December ee 2024 sida la filayo, dowladda iyo ciidankeeduna ay ku sii jiraan habqanka iyo jahawareerka ay hadda la nool yihiin, filashooyinka tilmaamaya inay Al-Shabaab la wareegto wadanka waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah oo ay tahay inaan wajahno” ayuu yiri.

Warbixinnada iyo diraasaatka isadaba joog ah ee falanqeynaya walaaca laga qabo inuu dalka gacanta u galo Al Shabaab kadib bixitaanka Afrikaanta ayaa isasoo tarayey muddooyinkii lasoo dhaafay waxaana u sabab ah weerarada Jihaadiyiinta ee ka dhanka ah ATMIS iyo ciidanka DF oo sii lixaadsaday bilooyinkii u dambeeyey iyo dhaq-dhaqaaqa bixintaanka shisheeye oo ka bilowday deegaano ka tirsan gobolada Soomaaliya.

Ugu yaraan 240 askari oo xabashi Itoobiyaan ah ayaa la dilay weerar xoogan oo horraantii todobaadkan ka dhacay duleedka degmada Rabdhuure ee wilaayada Bakool.

Ciidamadan ayaa ka qeyb ka ahaa howlgalka ATMIS ee duullaanka ku jooga Soomaaliya waxaana laga furtay hubkii iyo gaadiidkii ay ku socdaalayeen, halka sidoo kalena dhowr askari oo maxaabiis dagaal ahna nolosha lagu soo qabtay inuu dagaalku socday.

Related Items

Update cookies preferences