Askar iyo saraakiil Kenyaan ah oo ku dhintay shil diyaaradeed.

Tuesday September 19, 2023 - 13:21:34
Liibaan Jeexoow
Sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin Kenyaan ah shil ay ku dhinteen askar iyo saraakiil katirsan ciidanka difaaca Kenya ayaa ka dhacay gobolka Lamu.
Wararka ka imaanaya Keymaha Booni ayaa sheegaya in halkaas ay kusoo dhacday diyaarad helicopter ah xili ay ku jirtay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab.

Askar iyo saraakiil Kenyaan ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen burburka diyaaradda, warsaxaafadeed kasoo baxay taliska ciidanka KDF ayaa taczi loogu diray ehellada askarta geeriyootay.

Ugu yaraan 8 sarkaal ayaa dhimatay mana jirin qof shilkan ka badbaaday sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan ciidanka cirka Kenya.

Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay diyaaradda oo kusii dhacaysa dhul howd ah, ciidanka Kenya ayaa utaag waayay dagaalka ay kula jiraan jihaadiyiinta Al Shabaab.

Related Items

Update cookies preferences