Khasaara culus ayaa markale ciidamada Xabashida Itoobiya lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in dhowr qarax lagu beegsaday kolonyo katirsan ciidamada Xabashida xilli ay ku socdaalayeen wadada xiriirisa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur.
Dad ku sugan gobolka Bakool ayaa sheegay in saaka aroortii ay maqleen jugta qaraxyo waaweyn oo lala eeganayay kolonyada ciidanka Xabashida.
ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa sedax qarax lagu beegsaday ciidamada Itoobiya waxaana qaraxyada mid kamida ku gubtay gaari nuuca ciidanka xambaara ah.
Kolonyada Xabashida ee weerarada isdaba joogga ah kala kulmaya Al Shabaab ayaa jimcihii lasoo dhaafay kasoo gudbay degmada Ceelbarde waxayna saad ugelbinayaan degmada Xudur ee gummeysiga ku jirta.