Qarax ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen saraakiil sarsare oo ka dhacay duleedka Dooloow.

Monday September 18, 2023 - 20:55:43
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar khasaara badan dhaliyay oo saraakiil katirsanaa dowladda Federaalka lagula beegsaday gobolka Gedo ee dhaca bartamaha Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Luuq iyo Doolow ayaa sheegaya in qarax maanta duhurkii halkaas ka dhacay lagu dilay 13 askari islamarkaana lagu dhaawacay sarkaal sare.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarku uu beegsanayay sarkaal lagu magacaabo Rashiid Bohol kaasi oo in mudda ah ay ku daba jireen jihaadiyiintu.

Dhaawaca sarkaalkan oo aad culus ayaa la sheegay in loola cararay dhanka magaalada Muqdisho, XSHM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Bohol iyo askarta lala dilay ay ahaayeen dambiilayaal xasuuq ka geystay gobolka Gedo.

Related Items

Update cookies preferences