Taariikhdu waa isugaynta maalmo is shabbaha, raadadka iyo afcaasha shakhsiyaad iska horyimid, mawaaqifta la kala istaago, iyo masiirka lasoo dhaafay ee qolo, xisbi iyo koox kasta. Taariikhdu sidoo kale waa tooshka ugu iftiinka badan ee uu ruuxa mugdiga taaganta ku wareersani ifsan karo.
Waa isbarbardhigga wax dhacay kol hore iyo wax hadda taagan si uu u caddaado dariiqa ugu habboon ee ay tahay inuu qaado ruuxa dayowsani. Waa macallin farqurxoon marka aad u noqoto arday dhego fudud.
1920kii, taariikh hadda 102 sano iyo dheeraad laga joogo, waxaa dhulka Soomaalida ka socday dagaal u dhexeeyay Soomaali Xagjir ahayd oo dhinac ah iyo Ingiriis, Talyaani, Xabashi iyo Soomaali askar u ahayd oo dhinac ahaa. Soomaalidii Xagjirka ahayd waxaa ugu sarreeyay Sayid Maxamed Cabdille Xasan, halka Soomaalidii kasoo horjeedayna uu ugu sarreeyay Muuse Faarax oo uu dadka qaarki Ina Igarre u yaqaannay (sawirka 1aad). Sida ay sheegayso Margaret Laurence - qoraaga buugga The Prophet's Camel Bell - inkasta oo uu ninkani ahaa abaanduulaha ciidankii soomaalida ee Ingiriisku watay oo uu Soomaalida ku adadkaa, wuxuu ka xishood badnaa gabar 15 jir ah marka uu la joogo gabar Ingiriis ah kamana uusan tagi jirin inuu hadal kasta ka horraysiiyo kalmadda "Marwo".
Soomaalidii xagjirka ahaydi waxay awooddooda dhanka maamulka, dhaqaalahooda, cududdooda ciidan iyo afkaartooduba ku tiirsanaayeen kaliya aqoonta, kartida iyo daacadnimada hoggaankoodii uu Sayidku ugu magaca dheeraa laakiin oday dhaqameedka, Culumada, ganacsatada iyo dhalinyarada ka koobnaa. Isbahaysigii kasoo horjeeday Daraawiishse waxaa si toos ah oo kama dambays ah hub, dhaqaale, gaadiid, xog iyo sirdoon, afkaarta dagaalka, iyo hoggaanka siyaasadeedba ugu sarreeyay oo gacanta ugu hayay dawladihii reer Galbeed ee Ingiriis iyo Talyaani.
Yoolka isbahaysiga caalamiga ahi waxa uu ahaa xaqiijinta rabitaankii gumeysteyaashi reer galbeed oo ujeedkoodu ahaa la wareegista dhammaystiran ee siyaasadda, dhaqaaleha iyo dhulka Soomaaliyeed; la dagaalanka mabaadii'da Islaamka; kala qaybinta iyo kala firdhinta midnimadii iyo awooddii Soomaalida; faafinta diinta Christianityga; abuurashada askar daacad u ah boqortooyada Ingiriiska ee caalamka haysatay; iyo fidinta qiyamka guud ee ay mujtamaca reer Ingiriis iyo Talyaani aaminsanaayeen. Waa arrin waadax noqotay ugu yaraan nisfu-qarni ka dib.
Dabcan, marka khudbadahoodii, qoraalladoodi iyo hadaljeedinnadoodi xilligaas lagu laabto arrimahani ma aha kuwo sidaas qayaxan ay carrabka ugu adkayn jireen. Waxa ay adeegsan jireen kalmado 100% la mid ah kuwa maanta madaxda hay'adaha reer galbeed, siyaasiyiinta Maraykanka, madaxda Amisom, Raysalwasaareha Itoobiya iyo siyaasiyiinta Soomaalidu sida isku midka ah u adeegsadaan. (اتواصو به بل هم قوم طاغون).
Tusaale ahaan, sarkaalka Ingiriiska ahi waxa uu askartiisa Soomaalida ah ku qasbi jiray inay ugu yeeraan magaca "Saaxiib” - si uu maskaxdoodii rognaud uga dhaadhiciyo in uu yahay shakhsi sinnaanta iyo saaxiibtinimadu kala weyntahay wax kasta.
Dhanka Soomaalidii xagjirka ahayd, wuxuu yoolkooda ugi weyni ahaa ka xoraynta dhulkii Soomaalida dhammaan gumeysteyaashii iyo ciidamadii shisheeye; ka hoos bixidda maamulkii Nasaaradii reer Galbeed iyo Xabashida; u madaxbannaanaynta Soomaalida ee siyaadadda iyo maamulka waddankooda; ka hortagidda faafidda Nasraaniyadda; iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxay haysteen aragti Soomaalinimo iyo Islaam, mabda' ay kala sinnaayeen kooxo iyo ururro muslimiin ah oo badan, iyo kalsooni ay ku qabeen xaqnimada waxa ay sheeganayeen.
Soomaalidii isbahaysiga Ingiriiska qaybta ka ahayd ayaa ka koobnayd reero iyo shakhsiyaad aaminsanaa in ay Muslimiin Soomaali ah yihiin, waa ay tukan jireen, xajka ayay tagi jireen, dagada ayay xoolahooda ka bixin jireen, 'Culumo' ayay lahaayeen, Salaadiin iyo Ugaasyo ayaa ka mid ahaa, waxayna ahaayeen dad tiro ahaan ku labo jibbaarma Daraawiish iyo Soomaalidii xagjirka ahayd. Daraawiish ayaa iyaduna ka koobnayd nooc kasta oo qaybaha bulsho leedahay ah.
Saaxada ay labadan xisbi isaga horyimaadeeni waxay ahayd dhulkii Soomaalida ee Hawd, Nugaal, Mudug, Sanaag, Togdheer, Doollo, Hiiraan, iyo degaanno kale. Daraawiishtu waxay ahaayeen dad dhulkan ku dhashay, ku waxbartay, kala yaqaannay, kuna kalsoonaa; halka isbahaysiga Ingiriisku uu kaliya qabbaanno iyo waddomariyeenno ka dhiganayay Soomaalidii la socotay. Ingiriiska iyo xertiisa ayaa duullaan ku ahaa Soomaali dhulkoodii joogtay.
Xilligan, 2023, waxaa Soomaaliya ka socda dagaal si kasta iyo marxalad kasta ugu eg kii 1920 soo afjarmay. Waa dagaal u dhexeeya Soomaali xagjir ah oo dhinac ah iyo isbahaysi ka kooban Maraykan, Ingiriis, Qaramada midoobay, Amisom, Xabashi, Kiinyaati, Qolyaha qawmuluudka u ololeeya, iyo Soomaali ay intaasi soo dhiseen, maalgaliyaan, tabobaraan, mushaharaad siiyaan, siyaasad ahaan gacanta ugu hayaan, hub u soo dejiyaan, kuna kalsoonyihiin oo dhinac ah. Soomaalidan waxaa horjooge u ah Xasan Sh. Maxamuud oo inkasta oo uu Soomaalida hadal adag, boob iyo dagaal galinba ku hayo lagu xasuusto sidii qiirada lahayd ee ugu sujuuday bakhtigii Kiinyaatiga 2016kii laguna yaqaanno in uu qaab edab, baryootan iyo isdhuldhig ku jiraan ula hadlo gabdhaha reer Yurub ee hay'adaha UNtu tabobarka ugu soo diraan Soomaaliya.
Soomaalidan xagjirka ahi waxa ay ku doodayaan isla intii ay Daraawiishtu ku doodi jirtay qarni ka hor, waxa ayna dagaal kula jiraan isbahaysi dhanka jinsiyadda, afkaarta, ficilka iyo ujeeddada ay isleeyihiin isbahaysigii ay Daraawiish iska horyimaadeen. Dhanka kale, xubnaha isbahaysigani waxay Soomaalidan xagjirka ah ku eedaynayaan isla eedaymihii ay saaxiibadood Daraawiish ku eedayn jireen - dil xaqdarro ah oo ay Soomaalida kula kacaan, boobka hantida Soomaalida, ka beensheegidda diinta, ka shaqaynta qarsoodiga ah ee dano qabiil gaar ah, in ay Yuhuud u shaqeeyaan oo mujtamacan lagusoo dhextuuray, in ay xukun doon yihiin, qawlaysatonimo iyo dhuljiifnimo, iyo inay yihiin qolo sunnadu cayday iyo Khawaarijtii asaxaabta laysay.
Mar kale, waxa uu dagaalkani ka socdaa koofurta iyo bartamaha dhulkii Soomaalida - Mudug, Hiiraan, Jubbooyinka, Afdheer, iyo degaanno kale.
Maraykan iyo xertiisa ayaa markan dhulkan ku joogo duullaan la mid ah kii ay Ingiriis iyo xertiisu ku joogeen Berbera, Zeylac iyo Bullaxaar. Yoolka isbahaysigani - marka wax lagu dhiso soojireenka, sida adduunku u shaqeeyo, sababaha baniiaadamku dagaallada u galo iyo waxa uu qur'aanku ka sheegay reer galbeedka iyo saaxiibadood - waa isla kii ay dabajoogeen askartii boqortooyadii Ingiriiska oo ay hadda booskeedii ku jirto boqortooyada dimuqraadiga ah ee Maraykanka (aqoonyahanka Maraykanka ayaa ku magacaaba boqortooyo ka dib diraasaynta sifaadka boqortooyada iyo dhaqanka dawladdan).
Maraykan iyo xertiisa ayaa markan dhulkan ku joogo duullaan la mid ah kii ay Ingiriis iyo xertiisu ku joogeen Berbera, Zeylac iyo Bullaxaar. Yoolka isbahaysigani - marka wax lagu dhiso soojireenka, sida adduunku u shaqeeyo, sababaha baniiaadamku dagaallada u galo iyo waxa uu qur'aanku ka sheegay reer galbeedka iyo saaxiibadood - waa isla kii ay dabajoogeen askartii boqortooyadii Ingiriiska oo ay hadda booskeedii ku jirto boqortooyada dimuqraadiga ah ee Maraykanka (aqoonyahanka Maraykanka ayaa ku magacaaba boqortooyo ka dib diraasaynta sifaadka boqortooyada iyo dhaqanka dawladdan).
Dagaalkan - maqaawifta la isku hayo, waxa ay dhab ahaan qolo kastaa tahay, cidda saxan iyo cidda khaldan - waa mid, sida kii ka horreeyay, aysan fahan dhab ah ka haysan inta badan afraadda mujtamaca uu ka dhex aloosanyahay. Waase mid, sida kii ka horreeyay, ay xaqiiqadiisa iyo beentiisu inta ku wareersan u kala caddaan doonaan ugu yaraan nisfu-qarni ka dib. Sida ay ciidamada Maraykanku tabobaraa ula baxayaan nagaca Daraawiish ayuu waqtigu suurta galin doonaa in Soomaalida xilligaasi nooc kasta oo ay tahay iyo si ay kasta oo ay shaqadoodu ugu soo horjeeddaba ay Alshabaab la baxdo. Waa odoros ciddii rabtaa beenin karto inta uu ka dhaboobayo.
Xigasho: Social Media
Xigasho: Social Media