Khasaara lixaad leh ayaa maleeshiyaadka maamulka Galmudug kasoo gaaray weerar culus oo shalay ka dhacay deegaan katirsan gobolka Mudug.
Ugu yaraan 6 askari oo uu ku jiro nin sarkaal ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka oo ka dhacay tuulada Sargo, sidoo kale waxaa weerarka ku dhaawacmay 10 kale.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada wilaayada Islaamiga Mudug ay lawareegeen deegaannadii lagu dagaallamay iyadoona maleeshiyaadkii huwanta ahaa ay dib ugu laabteen deegaanka Baxdo.