Suudaan: duqeyn diyaaradeed oo ay ku nafwaayeen ugu yaraan 20 ruux.

Monday September 04, 2023 - 16:10:11
Idriis Ali
Wararka laga helayo Suudaan ayaa sheegaya in ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan 2 carruur ahi duqeyn ugu qudh baxeen koonfurta caasimadda dalkaas ee Khartuum.
Duqeyntan oo ka dhacdey xaafado la deggan yahay ayaa lagu beegsanayey xoogagga RSF ee ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda ee Suudaan.

Wararka qaar ayaa intaa ku daraya in qaar kamida cisbitaallada tirada yar ee sii shaqaynaya la dhigey 11 dhimasho ah oo ay ku jiraan haweenay iyo laba carruur ah.

Meydadka qaar ayaa la soo tabinayaa in ay googo’een hubka culus ee la isu adeegsano darteed.

Dagaalladan weli socda ayaa soo bilaabmey 15 April ee sannadkan aynu ku jirno kuwaas oo ugu yaraan sababey dhimashada shan kun oo qof isla markaana ay ku barakaceen in ka badan 4milyan iyo bar(gudo iyo dibedba).

Khartuum waxa ay martigelisay dagaallo faraha looga gubtey halkaas oo shantii bilood ee ugu dambeeyay xaafadaha aad loo deggan yahay ay ka go’an tahay korantadu. Sidoo kale waxa gabaabsi ku jira biyihii la cabbayey.

Isku soo wada duuboo waxa aan weli la saadaalin karin halka ay ku dhammaan doonto colaadda Sudan.

Related Items

Update cookies preferences