Toddobaad kaddib ICRC oo xaqiijisey in Somaliland laga qabtey askar ka badan 300.

Friday September 01, 2023 - 11:09:05
Liibaan Jeexoow
Usbuuc ka dib waxa sii kordhaya ciidamada laga qabsadey maamulka Somaliland kuwaas oo muddo 8 bilood ah ka dagaallamayey Goojacadde.
Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa warbixin ay soo saartey ku sheegtay in ay booqdeen markii ugu horreysay maxaabiista laga qabtey SL oo tiradoodu kor u dhaafeyso 300.

Hay’addan oo badanaa ka shaqeysa iswaydaarsiga maxaabiista iyo arrimaha la xiriira ayaa dhanka kale sheegay in ay hore u booqdeen maxaabiistii Somaliland hore ugu qabatey dagaalka.

Guddoomiyaha ICRC ee Soomaaliya Pascal Cuttat ayaa ka dhawaajiyey in ay muhiim tahay in maxbuus kasta loola dhaqmo si waafaqsan xeerarka caalamiga ah isla markaana qofkastaa uu helo cunto iyo biyo. Waxa uu Pascal intaa ku darey sida ay muhiim u tahay in aan maxaabiista jirdil loo geysan karin.

Somaliland ayaa laga qabsadey saldhiggoodii ugu weynaa ee duleedka Laascaanood Jimcadii ina dhaaftey taas oo la rejaynayey in ay soo gaba gebayso colaadda waxa se wali la dareemayaa diyaar garow dagaal oo labada dhinac ah ka dib markii Muuse Biixi sheegay in ay rogaal celin doonaan.

Related Items

Update cookies preferences